KULLAN: DOWLADA HOSE GAROWE

Masuuliyiin ka socday Hay’adda Cilmibaarista iyo Horumarinta ee SDN Somali Development Network -SDN ayaa kullan la qaatay Kusimaha xoghayaha dowladda hoose ee Degmada Garoowe ahna Agaasimaha maamulka iyo maamilyadda Axmed Jaamac Ciise, Labada dhinac ayaa kawada hadlay xoojinta Xiriirka iskaashi ee Hay’adda SDN iyo Dowladda Hoose Ee Garoowe si loo xoojiyo Horumarka bulshada, Sidoo kale kulan-ka ayaa looga wada hadlay sidii lays kaga kaashan lahaa Cilmi-baaris muhiim u ah qorsheynta mashaariicda horumarineed ee Degmada Garoowe si loo helo xalalka ugu habboon ee ka jawaabaya dhibaatooyinka iyo Mushkiladaha ku gedaaman bulshada .
Hay’adda SDN waxay ka shaqaynaysaa sare u qaadida fahamka bulshadda ee ku aadan horumarka deegaanka iyadoo la adeegsanayo cilmi-baaris wax ku ool ah oo lagu xalinayo caqabadaha haysta bulshadda .

Leave a comment